Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdishu kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo diblomaasiyaantaan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladaha bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u geysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan beesha caalamka, kaas oo ku saabsan sidii abaaraha wax looga qaban lahaa.
Degaano iyo degmooyin katirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa xilligaan kajira Abaaro xoogan taas oo saameysay dad iyo Duunyo, iyada oo aysan jirin cid dadkaasi gurmad u sameysay.