Amarro laga soo saaray Amniga Magaalada Garoowe written by Warsan Radio 23/02/2022 Kulan ay yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa Maanta waxaa ay kasoo saareen Amarro dhowr ah oo la xiriira Amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo la xiriira Amniga Magaalada, kaas oo uu faah faahin ka bixiyay Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal.Taliyaha ayaa marka sheegay in xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Garoowe ay tahay mid wanaagsan, balse ay ka feejigan inay soo gaaraan falalka Amni darro ee ka dhacaya Gobolada kale ee dalka.Waxaa uu hadalkiisa uu in taasi ku daray i ay socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, hayeeshee Bulshada looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan Ciidamada si amniga loo sugo.Ugu dambeyn Taliye Xuseen waxaa uu sheegay in Ciidamada Amniga howlgal kasta oo ay kujiraan aysan wax xabbad ah ku ridi karin Magaalada Garoowe, sidoo kalena Bulshada looga baahan yahay inay la socdaan dadka ay Guryaha ka kireeynayaan.Amarkaan kasoo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli ay Magaalada Garoowe ay kamid tahay Goobaha ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka Amarro laga soo saaray Amniga Magaalada Garoowe was last modified: February 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 17/08/2022 Dhageyso:-Wareysi Malaaq kaskeey oo Ka hadlay Sida ay Wax u ga Dhaceen Labada Beelood oo Walaalo ah 02/07/2018 Daawo Muqaalka AKHRISO Khudbadii Mukhtaar Roobow oo Dhameystiran 15/08/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/01/2020 Dhageyso: Barnaamijka kulanka Warsan 19/12/2022 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 03/10/2022 Madasha Xisbiyada Qaran oo Dalbatay Inay Is-Casilaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka 28/06/2020 Sawiro: Masuulin Katirsan Dowlada FS Oo Soo Gareen Magaalada Baydhabo. 05/03/2020 Madaxweyne Deni oo kusii jeedda Qardho 20/08/2022 Talibanta Pakistan oo ku dhawaaqay weeraro ka dhan xukuumadda Pakistan 29/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.