Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kumaandooska Gor-gor ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaanka Mubaarak oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil katirsa Ciidanka Gorgor ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku dileen 25 dagaalame oo katirsa Ururka Al-Shabaab 35 kalena ay ku dhaawaceen walow aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijisay sheegashadaas.
Sidoo kale Saraakiishu waxaa ay sheegeen in Xubnaha la dilay uu kujiro Sarkaal lagu Magacaabi jiray Fiidow, kaas oo ahaa madaxii aminga degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha.
β Howlgalka weli waa uu socdaa waana sii wadeeynaa ilaa iyo inta aan Al-Shabaabka xorreyneyno degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose si wanaagsan ayaana u sugeeynaa amniga degaanka ayuu yiriβ Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Gorgor.
Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa inta badan howlgallo kala duwan ka fuliya Ciidanka kala duwan ee dowladda Soomaaliya & kuwa AMISOM, balse mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.