Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/12/2018 XFS Soomaaliya oo ka hadashay heerka uu marayo Hanaanka Barnaamijka deyn Cafinta 28/01/2023 Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne 22/06/2022 Xildhibaanno ka soo horjeestay go’aankii fadhiyada Baarlamaanka looga mamnuucay 28/03/2021 Dad badan ku dhintay Shil ka dhacay Magaalada Burco 29/03/2022 Video:-Keating oo Baydhabo tagay, lana kulmay Masuuliyiinta K/Galbeed, 01/10/2017 Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Ciidanka Mareykanka ee kusoo wajahan Soomaaliya 17/05/2022 Sii hayaha Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda oo kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Shaqada dowlad goboleedyada “Sawirro” 09/09/2020 Dhagaysiga 4-aad ee kiiska Cabadalla Muumin oo cabsi Amni loo baajiyey 25/01/2023 Ururka Cilmi-Baarayasha Somaliyeed (SRA) oo Cilmi-Baaris ka Sameyay Darawalada Mooto Bajaajta 17/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.