Hoggaamiyayaasha dalalka Masar iyo Sudan, Abdel Fattah el-Sisi iyo Abdel Fattah al Burhan, ayaa ku kulmay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
labada Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin, xaaladda amni ee gobolka, Iskaashiga labada waddan iyo weliba xiisadda ka taagan webiga Nile.
Wada-hadalladaan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka Itoobiya uu qaaday tallaabooyin uu ku buuxinayo biyo xireenka uu samaystay.