Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa teendhada Afisiyooni ee Xeendaabka Xalane ee Magaalada Muqdisho u qorsheeyay in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen.
Galabta waxaa Goobta lagu qabayanayo doorashada kormeer ku tegay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare & Xubnaha kale ee Guddiga, iyaga oo qiimeyn ku sameeyay xaaladda Amni ee Goobta iyo Agabka loogu talo galay doorashada.
Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Xubnaha kale ee wada diyaarinta Hoolka lagu qabanaayo doorashada oo dhamaan ay ku dhan yihiin halkii ay fadhiisan lahaayeen Xildhibaannada Aqalka Sare, Musharrixiinta iyo Guddiga intaba.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa u sharraxan Saddex musharrax oo uu ugu horreeyo Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,Wasiirka Dastuurka Senoter Saalax Axmed Jaamac & Wasiirka Warfaafinta Senoter Cusmaan Abuukar Dubbe.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa u sharraxan laba Senoter oo kala ah.
1: Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed.
2: Senoter Cali Shacbaan Ibraahim.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa ku tartami doona ilaa todobo musharax oo kala ah:
1: Senoter Cabdullaahi Xersi (Timacadde)
2: Senoter Cabdi Cusmaan Xarees.
3: Senator Ilyaas Badel Gaboose.
4: Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
5: Senoter Xasan Xuseen Xaaji
6: Senoter Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade)
7: Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.
Sidoo kale Maalinta Arbacada ah ee Todobaadkaan ayaa Xarunta Afisiyooni waxaa lagu qabanayaa doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, kuwaas oo ay ku tartami doonaan musharrixiin dhowr ah.