NISA oo soo bandhigtay Sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab & hub uu watay+Sawiro written by Warsan Radio 29/04/2022 Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay mid kamid ah Saraakiisha Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Weerarada Jabhadaha muddo 8-sano uu ka tirsanaa, sida ay sheegeen sraakiisha NISA ee Koonfur Galbeed.Ciise Cumar Deerow oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegy in uu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay, waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugida ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Al-Shabaab oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & hal BKM ama Dabajeex.Sidoo kale Cumar ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka ku hayaan, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada kale ee weli kasii tirsan Ururka Al-Shabaab inay isaga oo baxaan.Saraakiisha Ciidamad Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed aya dhankooda u mahad celiyay Ciise Cumar maadama uu kasoo baxay Ururka Al-Shabaab, waxana ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan qof kasta oo kasoo tagaya. NISA oo soo bandhigtay Sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab & hub uu watay+Sawiro was last modified: April 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Turkiga oo safar deg deg ah ku tegay Sacuudiga next post Qarax ay askar ku geriyoodeen oo Maanta ka dhacay Shabeellaha Hoose You may also like Faah faahin kasoo baxeysa Nin xaaskiisa ku gowracay Shabeellaha Hoose 03/02/2024 Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob 06/11/2022 DHAGEYSO:-WARKA DUHUR EE RADIO WARSAN 05-03-2020 05/03/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/10/2019 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 17/08/2022 MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO CAMBAAREEYEY QARAXII BARQADII KA DHACAY BELEDWEYNE 25/10/2016 Tiro dad ah oo ku dhintay kaniisad ku duntay dalka Mexico 02/10/2023 Guddiga Xuduudaha iyo Fedaraalka Dalka oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Socday Hirshabeelle 02/08/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/12/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada wasan 19/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.