Baydhowy(Radio Warsan)Ciidamada Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Qardho ayaa Gudaha u galay Xarunta SBC ee Magaalada Qadho, iyaga oo sida la sheegay halkaasi kasoo xiray Wariye Cabdicasiis Heybe Ibraahim oo kamid ah Wariyeyaasha Xaruntaas.
Sidoo kale Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay qaateen qalabkii yaallay Xarunta SBC ee magaalada Qardho, waxaana la sheegay in sababta xariga ay ka dambeeysay kadib markii uu Wariyaha Muuqaal uu ka duubay shacab qabsaday Munaasabad lagu taageerayay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ururka Saxafiyiinta SJS ayaa cambaareyay falka lagu galay xafiiska warbaahineed ee SBC , iyaga oo uu baaqay mas’uuliyiinta Puntland inay deg deg ku siidaayaan suxufi Cabdicasiis Haybe Ibraahim.
Degaannada Puntland ayaa Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu xiray Wariyeyaal dhowr ah oo wareystay dad ka aragti duwan maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, halka qaarkood ay degaannadaas isaga tageen.