Baydhowy (Radio Warsan)Guddiga doorashooyinka Xildhibaanada labada aqal ee qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda ay yeeshaan kulan lagu go’aaminaayo doorashada maalinta berri dhici doonta.
Kulanka maanta oo ah mid xasaasi waxaa goobjoog ka noqon doona Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare.
Waxaa lagu waddaa in ay si weyn uga doodaan haddii ay qabsoomi karto doorashada berri iyo haddii kale, waxaana shalay xubno guddiga ka mid ah ay sheegeen in ay u diyaarsan yihiin dhammaan agabkii doorashada.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya ku dhawaad 39 Musharax ilaa hadda hal qof ayaa shaaciyay in uu ka haray doorashada.