Baydhowy-{WMN}-Alle ha unaxaristee waxaa xaxay Xaafada waabari gaar ahaan laanta hawada oo ka tirsan Dagmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Bare Cali Maax.
Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu geystay dilkaas, waxaana Goobta dilka ka dhacay gaaray Ciidamada Ammaanka degmada Cabudwaaq, kuwaas oo la sheegay in daqiiqado kadib ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilka geystay.
Sarkaal u hadlay Ciidamada xasilinta degmada Cabudwaaq ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Ninka ka dambeeyay dilka Marxuum Bare Cali Maax, kaas oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Cali Muuse lana qabtay xilli uu doonayay in uu baxsado.
laamaha Amniga sirasmi ah uma faah faahin sababta ka dambeeysa dilka qofka Shacabka ah, hayeeshee Wararka la helay ayaa sheegaya inay la xiriirta dilal ku saabsan aanooyin qabiil oo kajira degmada Cabudwaaq iyo degaannada hoostaga.
Dhowr todobaad ka hor ayaa degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dilal la xiriiray aanoouin qabiol, balse ay istaageen markii Maamulka Galmudug uu degmadaasi geeyay Ciidamo isugu jira, Boolis iyo Mabadsugid, kuwaas oo siweyn u adkeeyay Amniga Magaalada.