Baydhowy-{WMN}-Cali Sheegoow oo ahaa wiil dhalinyaro Soomaali ah, lana weysanaa mudo dhowr bilood ah ayaa la helay meydkiisa kadib markii uu ku dhacay Goob ay Biyaha fariistaan.
Booliska Xaafada Gahanna ee magaalada Columbus ee dalka Mareykanka oo horey ugu gurmaday raadinta Cali ayaa sheegay in ay heleen meyd xili hore biyuhu qaadeen ayna sameeyeen baaritaan ku aadan xaqiijinta in uu yahay Cali Sheegoow.
Kadib baaritaan mudo dhoowr cisho ah socday ayay xaqiijiyeen in uu Cali yahay iyaga oo qoyska ku wareejiyay Meydkiisa oo Maanta la filayo in la aaso.
CAli ayay biyuhu geeyeen goob dhirta iyo qashinku ku badan yihiin ayna adag tahay in la galo xiliga biyuhu baddan yihiin.
Waxa uu ahaa nin dhalinyaraa oo xanuunsan waxaana walwal iyo xanuun uu ku hayay qoyskiisa oo aan maalina ka harsan, iyaga oo in muddo ah baadi goobayay.