
Baydhabo-{WMN}-Soomaaliya iyo Heyโadda IMF oo gaaray heshiis cusub kadib wadahadalkii ay la yeesheen Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Muqdisho, May 20,2022, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Heyโadda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis muhiim ah oo ku saabsan geeddi socodka Deyn Cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Heshiiska IMF ayaa yimid kaddib markii ay soo dhammaatay doorashadii Madaxweynaha ayna wadahadal yeesheen 17 ilaa 18 May Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo uu wehliyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo heyโadaha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Cusub ayaa dhegeystay warbixinta heyโadaha dhaqaalaha isaga oo la wadaagay sida ay uga goโaan tahay dowladiisa Cusub ka mira dhalinta barnaamijka dayn cafinta.
IMF waxa ay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay sameeyay dhib kasta oo ka jiro dalka, sida Abaaraha. Heyโadda IMF waxa ay ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto dowladda cusub iyo Heyโaddaha Maaliyadda dalka.
โWaxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Heyโadda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalkaโ. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
IMF ayaa waxa ay horrey u sheegtay un haddii la gaaro 17 bisha May ay halis gali doonto taageerada Maaliyadeed iyo kabka dhaqaalaha ee la siiyo Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay in haddii aan doorashada Madaxweynaha waqti taas la qaban ay dhibaato wayn gaari doonto horumarka laga sameeyay dhawrkii sano ee la soo dhaafay dhaqaalaha Soomaaliya.
Heshiiska IMF iyo dowladda Soomaaliya ayaa keenayaa in heyโadaha dhaqaalaha iyo deeq bixiyayaasha dib u bixiyaan dhaqaalaha kabka miisaaniyadda iyo mashaariicda ee ay u hakiyeen dib u dhaca doorashada.