Toogasho arday lagu laayay oo ka dhacday Mareykanka written by Warsan Radio 25/05/2022 Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Uvalde, ee gobalka Texas ee dalka Mareykanka ,magaalada dilku ka dhacay waxaa ku nool dad gaaraya 16,000 oo qof , waxayna galbeed ka xigtaa magaalada San Antonio. Dadka dhintay 17 ka mid ah waxay ahaayen arday halka midka kalana uu ahaa macalin.Eedeysanaha falkaan gaystay waxaa da’diisa lagu sheegay 18 jir, kaas oo ku noolaa agagaarka magaalada Uvalde,magaciisuna waa Salvador Ramos sida la baahiyay. Wararku waxay sheegayaan inuu dhintay ninka toogashada gaystay waxaana loo malaynayaa inay toogteen boolisku.Ardeyda dhigata Iskuulka wax ka dhaceen waxay ahaayeen fasallada labaad, saddexaad, iyo afraad, taasoo la micno ah inay da’doodu u dhexaysay 7 ilaa 10 jirro.Wararka ka soo baxaya toogashadaan ka dhacday gobalka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in labo qof oo dhaawac soo gaaray ay haatan ku suganyihiin xaalad halis ah . Labadaan qof waa gabar 10 jir ah iyo haweeney 66 jir ah.Laba askari oo booliis ah ayaa iyaguna ku dhaawacmay weerarka. Toogasho arday lagu laayay oo ka dhacday Mareykanka was last modified: May 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray Soomaalida & Canfarta You may also like laamaha Amniga oo howlgal dad badan lagu qabqabtay ka sameeyay Muqdisho 07/12/2021 Wasiirka Dastuurka oo sheegay nooca doorasho ee la doonayo inay dalka ka dhacdo 14/08/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 20/11/2019 Wasiirkii arrimaha dibada Syria oo geeriyooday 16/11/2020 Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo khudbadahooda jeedinaya 03/11/2020 Puntland oo shaqadii ka joojisay wasiir iyo agaasime guud oo isku gacan qaaday 12/11/2020 Akhriso:-Dacwada kiiska Bada Somaliya oo keenya dib u dhigtay 03/09/2019 Israa’iil iyo Falastiin oo heshiis xabbad joojin gaaray 21/05/2021 Dagaal ka socda degaan katirsan Gobolka Galgaduud 15/10/2023 Dhageyso wareysi Dhowlada iyo Baarlamaaanka ku Weeraray Chief Sagaarey. 02/04/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.