
Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyada oo Magaalada la saaray bandow kasoo billaawday xalay abaara 100: 00 Habeenimo kuna eg 5:00 Galabnimo ee Maanta.
Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax Heer Caalami ah oo ay kamid yihiin , Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Wufuud ka kala socota dalalka, Masar, Cumaan, Koonfurta Suudaan, Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya & Madaxda Shanta dowlad Goboleed.
Munaasabadda Caleema-saarka ayaa waxaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan Madaxda Heer Caalami ee lagu casuumay, Madaxda dowlad Goboleedyada & Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Magaalada Muqdisho iyo degaannada u dhow dhow ayaa siweyn looga dareemay munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo laga sugayo in Caleema-saarka kadib uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare si loo guda galo Shaqooyinka dowladda.