In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Itoobiya written by Warsan Radio 20/06/2022 Goobjoogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay Axaddii in inka badan 200 oo qof oo u badan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalkaas, waxayna ku eedeeyeen jabhadda Oromada taasoo markii dambe beenisay.Waa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Itoobiya, iyadoo xiisadaha qowmiyadeed ay weli ka socdaan dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.“Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka mid ah dadka deggan degmada Gimbi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press kadib markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkii Sabtidii. “Waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan”.Goob-jooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, cabsi uu u qabo ammaankiisa, ayaa sheegay in qoomiyada Axmaarada ee deegaanka ay hadda si quus ah u raadinayeen in la raro “kahor intaysan dhicin dil wadareed kale.” Waxa uu sheegay in qowmiyadda Axmaarada ee hadda “loo laaynayo sida digaagga” ay deegankan 30 sano kahor kusoo degtay barnaamij dib u dejin ah.Labada goob-jooge ayaa weerarradaas ku eedeeyay Ciidanka Xoraynta Oromada.War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda gobolka Oromia ayaa sidoo kale ku eedaysay OLA, iyagoo sheegay in maleeshiyadu ay geeysteen weerareen “ka dib markii ay u adkaysan waayeen hawlgallada ay bilaabeen ciidamada ammaanka ee dowladda Federalka. In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Itoobiya was last modified: June 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo ka shiray sugida Amniga Maalmaha Xorriyadda next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like SAWIRO: Dhismooyin Cusub Oo Lagu Kordhiyey Madaxtooyadda KG Somalia 16/11/2017 Madaxtooyadda oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka caafimaaday COVID-19 29/06/2022 Dhageyso: Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Warsan 09/05/2023 Ardey Gaaraya1,265 oo maanta u fadhiistay imtixaanka shahaaddiga dugsiga sare magaalada Beledweyne 18/07/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/06/2023 Munaasabad Xariga Looga jaraayey Dhismo Cusub oo Lagu Kordhiyey Saldhiga Degmada Baydhabo 17/10/2017 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalamaha Xorriyadda Iyo Midnimada 20/06/2019 Dhageyso: Barnaamijka Bandhiga Idaacada Warsan 14/05/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 02/04/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 21/01/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.