
Ergadan ku howlan xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee cakiran ee Somaliland ayaa hore waxa ay ula kulmeen madaxda mucaaradka.
Ergadan waxa ay sheegeen inay qaadeen tallaaba muhiim ah oo ay dhinacyadu isugu soo dhawaynayaan, hasayeeshee qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Golaha Guurtida ay sharci ahaan Somaliland u qaabilsayihiin xallinta khilaafka, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha.