Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafka written by Warsan Radio 21/06/2022 Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo saameyn weyn ku yeeshay Hay’adaha kala duwan ee Maamulka puntland.Hayeeshee wararka la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ay is-afgarad hordhac ah ka gaareen khilaafkoodii kadib markii ay dhex-dhexaadin ka dhex sameeyeen Isimada Puntland iyo qaar kamid ah Xildhibaannada.Kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa ayay kaga heshiiyeen khilaafka oo intiisa badan salka ku haayay xilka qaadistii uu Axmed Karaash ku sameeay Wasiirada, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, xilligii uu Deni kujiray ololihiisii musharraxnimada ee Madaxweynaha Soomaaliya.Wararka ay Risaala heleyso ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku ballameen kulan kale si mad madowga meesha looga saaro , isla markaana la dhameystiro xal ka gaarista khilaafkooda.Khilaafka Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa ah mid waayadaan soo laab laabanayay kaas oo salka ku haaya dhanka awooda Maamulka, waxaana sidoo kale fashilmay mooshin ay Xildhibaannada qaar ka wadeen Xukuumadda Madaxweyne Deni si ay uga faa’iideystaan khilaafka kala dhaxeeya kuxigeenkiisa. Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafka was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA next post Itoobiya oo War kasoo saartay dadkii lagu dilay Galbeedka dalkaas You may also like DHAGEYSO: GUDOOMIYAHA DHALINYARADA BAYDHABO OO KA WARBIXIYEY QAAB DHISMEDKA GOLAHA DHALINYARADA BAYDHABO 23/04/2018 Koox hubaysan oo 10 ruux shacab ah ku dileen Jamhuuriyada Dimqoraadiga Congo D.R.C 23/08/2020 Dhageyso:-Yuusuf macalin aamiin Baadiyoow ayaa ku dhowaaqay maanta in uu yahay Musharax u taagan xilka madaxweynaha koofur Galbeed Soomaaliya taasoo lagu wado in ay qabsoonto 17 ka November 2018ka. 30/09/2018 Qodobo Soomaaliya u daneynaya oo laga soo saaray Shirkii Wasiirada Caddaalada ee Jaamacadda Carabta 22/10/2022 Maraykanka oo askarigii ugu dambeeyay kala baxay dalka Afghanistan 31/08/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 22/09/2021 Madaxweynaha Ruushka oo Soomaaliya u rajeeyay inay guul ka gaarto la-dagaalanka argagixisada 02/12/2021 Ra’iisul Wasaarihii Dalka Baxreyn Oo Geeriyooday 11/11/2020 Guddiga Doorashada Oo Laga Soo Saaray Xarunta Golaha Shacabka 26/04/2022 Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Ingiriiska 11/03/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.