Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada written by Warsan Radio 21/06/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa in Maalinta Berito oo Arbaco ah la horgeeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan kadibna uu u soo magacaabo.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble 17-kii Bishii September waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xukuumaddiisa ay soo martay marxalado kala duwan iyo khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweynihii xilka baneeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo next post Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Arrimaha Dastuurka ee la Magacaabay You may also like Xildhibaannada Golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho 16/11/2020 Akhroso:-SJS oo talo jeedin sharciyeed ka sameysay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya 24/11/2019 Guddoomiye Gobolka togdheer Somaliland oo u geeriyooday COVID-19 08/06/2020 Tirada dadka tahriibayaasha ah ee badda ku dhintay sanadkii hore oo korortay 30/04/2022 Guddiga isku dhafka ah ee DF & Maamullada oo soo saaray hab-raac LACAG laga samaynayo 03/10/2020 Dhageyso: `Agaasime Maxamed Cumar” Waa In Lahormariyaa Xoola Dhaqatada Soomaaliyeed. 19/02/2020 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/02/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 14/08/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 03/08/2018 WFP oo yareysay Raashiinka Gargaarka ah ee ay siiso Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab 08/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.