Maalintii sedaxaad ayuu galey tababar looga hadlaayey tilmaamaha farsamooyinka biyaha iyo nadaafadda guud ahaan gobolada dalka.Tababarka ayaa waxaa gacan ka wada geystey wasaaradda tamarta DFS, Hay’adda Unicef, waxaana qaban qaabadeeda Magaalada Baydhabo iska laheyd wasaaradda Tamarta iyo qeyraadka biyaha kg.
Waxaa laga soo qeyb galiyey ku dhawaad 18 hay’adood oo 14 ay kamid yihiin kuwo inter nashnaal ah, waxaana sidoo qeyb ka ahaa wasaaradaha Caafimaadka, beeraha iyo wasaaradda haweenka kg.
Liibaan Axmed Cabdulaahi agaasimaha waaxda biyaha tamarta iyo kheyraadka biyaha kg ayaa ka warbixiyey tababarkaan maalintiisa sedaxaad iyo waxyaabihii laga bartey.