Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool yihiin ay Carruur ugu geeriyoodeen nafaqa darro.Hooyo Caamilo Ibraahim Cusmaan oo kamid ah dadka kunool Xerooyinka barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegtay in mid kamid ah lix Carruur ah oo ay dhashay uu nafaqo darro u geeriyooday, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ugu baaqday in loo soo gurmado.Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa dhankiisa sheegay in dadka kujira ilaa lix Kaam oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ay isugu jiraan dad kasoo barakacay, Abaaraha, Coolaad Beeleedyada iyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duean.Todobaadkii hore ayay aheyd markii ilaa lix Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Dood ku saabsan Coronavirus iyo sida uu u saameyey Waxbarashada 17/07/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka ee Idaacaada Warsan 02/06/2022 DHAGEYSO BARNAAMISH CUSUBAA OO LOOGU MAGAC DARAY BARNAAMISKA ISHA WARSAN RADIO QIIBTII 2AAD CAWA IYO DALMAR 08/02/2018 Dhageyso-Abwaan Xasan Hoborow oo ka dalbaday Maamulka KGS Cawinka Cosaday 05/10/2017 Madaxweyne Axmed Qoorqoor Oo War Kasoo Saaray Doorashada Ka Socota Cadaado 06/08/2022 Turkiga Iyo Qatar Oo Balan Qaad Hor Leh U Sameeyay Dowladda Somalia 03/11/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 04/01/2021 Dhageyso:-Ayax baabi’iyay beero ku yaalla deegaanka Geedweyne ee gobolka gedo 30/12/2019 Adeegga Internet-ka oo Saacado ka maqnaa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya 07/06/2022 DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo codsaday in AMISOM dalka laga saaro 16/01/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.