Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow written by Warsan Radio 22/06/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan xirnaanshaha wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran dowladda & sida dowladda Soomaaliya ay ka yeeleyso xarigiisa.Guddoomiyaha oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay tv-ga Universal wuxuu sheegay in ka guddoomiye ahaan uu horay u cadeeyay mowqifkiisa, isla markaana Muqtaar Roobow si sharci darro ah ay u xirtay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Wuxui hadalkiisa uu intaasi kudaray in Rooboow uu ahaa Nin leh hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee iyada oo aan wax maxkamad ah oo dambi ku heysata la soo taagin uu u xiran yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xarigiisa, isla markaana dhawaan ay go’aan ka gaari doonto.Horaantii Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaneysa Ciidamo Itoobiyan ah waxaa ay Magaalada Baydhabo kasoo xjrtay Muqtaar Rooboow oo xilligaas ahaa musharrax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika next post Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne You may also like Dagaallo ka dhacay South Sudan oo ay 300 oo ruux ku dhinteen muddo isbuuc ah 21/05/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/11/2020 Akhriso+Sawiro;-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta ka qeybgalay kulanka ciidamada 03/08/2017 Doorashada Kuraastii Ugu Dambeysay Ee Taalla Dhuusamareeb Oo Lasoo Gaba-Gabeeyay 25/02/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/12/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/11/2019 Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Sheekha Al-Azhar Al-Shariif iyo madax kale 18/08/2023 DHAGEYSO:-Barnaamijka KulankaWarsan 30/05/2020 Dhageyso:- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 30/12/2021 Siihayaha Wasiirka Maaliyada XFS oo kulan la qaatay madaxda Bangiga Hormarinta islaamka 03/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.