Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow written by Warsan Radio 22/06/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan xirnaanshaha wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran dowladda & sida dowladda Soomaaliya ay ka yeeleyso xarigiisa.Guddoomiyaha oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay tv-ga Universal wuxuu sheegay in ka guddoomiye ahaan uu horay u cadeeyay mowqifkiisa, isla markaana Muqtaar Roobow si sharci darro ah ay u xirtay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Wuxui hadalkiisa uu intaasi kudaray in Rooboow uu ahaa Nin leh hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee iyada oo aan wax maxkamad ah oo dambi ku heysata la soo taagin uu u xiran yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xarigiisa, isla markaana dhawaan ay go’aan ka gaari doonto.Horaantii Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaneysa Ciidamo Itoobiyan ah waxaa ay Magaalada Baydhabo kasoo xjrtay Muqtaar Rooboow oo xilligaas ahaa musharrax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika next post Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne You may also like Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo agab caafimaad keenay Muqdisho (SAWIRRO) 18/06/2020 video:-Wareysi xalada Degmada xudur ayaa laga deeyinayaa iyo daawa lagaarsiyey 11/04/2017 Maxkamadda Ciidamada oo dil Toogasho ah ku xuntay Askari dilay Askari kale 26/08/2023 Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay dhacdadii Boosaaso iyo qarixii Jowhar 19/07/2022 Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Itoobiya oo Maanta Baarlamaanka la horgeynayo 06/10/2021 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 05/05/2022 Dowladda & Jubbaland oo loolan ugu jira la wareegitaanka Bu’aale 24/02/2020 Somalia calls for international cooperation to stop illegal charcoal trade 07/05/2018 Dadyowga Islaamka oo maanta u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa 09/07/2022 Akhriso:-Dowlada Kenya oo xiriirka diblumaasi u jartay dowlada Soomaaliya 16/02/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.