Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay written by Warsan Radio 24/06/2022 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergeyga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaabilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Muuse.Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas. Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah next post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan You may also like Rooble oo la kulmay xildhibaanada Soomaaliyeed ee Baarlamaanka Kenya 13/08/2021 Akhriso:-Mukhtaar Roobow iyo C/casiis Lafta Gareen oo kulmay 07/02/2019 Dowlada Sucuudiga Oo Somaliland Ka Wada Hadleen Iskaashiga maalgashiga somaliland 21/09/2022 Kooxda Taliban oo dalka Afgaanistaan ka mamnuucday dowladda Sweden 12/07/2023 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/02/2022 DEG-DEG: 14 ODEY DHAQAMEED KU HEYB AH MUQTAAR ROOBOOW OO AL-SHABAAB KU AFDUUBTEEN DEGAANKA ABAL. 17/08/2017 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacda Warsan 01/01/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 25/05/2023 Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay Boosaaso 23/12/2021 Maxaa looga hadlay kulan ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka? 17/08/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.