Raโiisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa written by Warsan Radio 29/06/2022 Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa oo kuyaalla Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu shalay xilka kala wareegay Raโiisul Wasaarihii xilgaarsiinta ahaa ee Maxamed Xuseen Rooble.Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi barre oo xilka loo magacaabay 15-kii Bishaan ayaa waxaa xilligaan wixii ka dambeeya uu bilaabayaa wadatashiyo ku aadan sidii uu u soo magacaabi lahaa Golihiisa wasiirada, waxaana jira siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay oo doonaya inay kasoo hde muuqdaan Golihiisa Wasiirada.Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu doortay magaalada Kismaayo, isaga oo sidoo kale noqday Guddoomiyihii Guddiga doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.Sidoo kale Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida agaajinta xiriirka Arrimaha dibadda, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu kulamo uu la qaadanayo saamileyda siyaasadeed ee dalka ka hor inta uusan soo Magacaabin golihiisa Wasiirada. Raโiisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa was last modified: June 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Madaxweynaha KGS? next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Akhriso+Sawiro:-Booliska Soomaaliya oo lagu wareejiyay gaadiid ay ku xiran yihiin qalab ka hortaga qaraxyada 02/06/2018 Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay degaanno dhaca Koofurta Gobolka Mudug 19/12/2023 WFP Oo Ballan Qaaday Inay Si Deg-Deg Ah Uga Jawaabeyso Codsi Uga Yimid ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland 19/02/2022 Golaha Shacabka oo meel mariyay Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka 16/08/2023 Dowladda Soomaaliya oo dhisaysa Buundadii la qarxiyay ee Buuloburde 29/10/2022 Dad Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyooday Shabeellaha Hoose 20/04/2022 Dhageyso:-Radio Warsan oo dood uqabatay dhagaystiyaasheda ku taxan Tafsiirka Qurโaanka. 20/09/2019 Dowladda Soomaaliya oo maanta ICJ u gudbin doonto gunaanadka dacwada Badda 18/03/2021 Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo lagu laโyahay xeebaha dalka Yemen 15/11/2023 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 16/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.