Tirada dadka ku barakacay abaarta geeska Afrika oo la shaaciyay written by Warsan Radio 02/07/2022 Guud ahaan Geeska Afrika, laga soo bilaabo waqooyiga Kenya ilaa bariga Itoobiya iyo inta badan Soomaaliya, abaaro ba’an ayaa ka dilaacay, kuwaasoo sababay nafaqo-xumo iyo macaluul soo foodsaartay Malaayiin qof.Abaarta ayaa ka dhalatay Roob yarri ,dagaal sokeeye, xag-jirnimo, duullaan ciidan, isbeddelka cimilada iyo masiibada COVID-19.Beeraleyda geeska Afrika ayaa wajahaya sanadkii ugu xumaa wax soo saarkooda.Xilli roobaadkii ugu dambeeyay ee bilihii March ilaa May, ayaa ahaa kii ugu qallanaa ee taariikhda Geeska Afrika.Roobab afar ah oo xiriir ah ayaan ayaa la waayay , waa dhacdo aan horay loo arag afartankii sano ee la soo dhaafay. Xilli-roobaadka soo socda, oo caadi ahaan bilaabmaya bisha Oktoobar, ayaa rajo xumo weyn laga muujiyay.Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaasay in 18.4 milyan oo qof in ay soo food saartay “cuno yari ba’an” Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ugu daran.Dhammaan saddexda waddan, tirada carruurta ay hayso nafaqo-xumada ba’an ee la seexiyay isbitaallada saddexdii bilood ee hore ee sannadkan waxay “aad uga badan tahay” sannadihii hore, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen hay’adaha samafalka bishan. Tirada dadka ku barakacay abaarta geeska Afrika oo la shaaciyay was last modified: July 2nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Kenya oo shaacisay xilliga ay Soomaaliya u soo dhoofin doonta Khaadka next post Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka Uganda oo xabsiga laga siidaayay You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Arimaha Bulshada gaar ahaan Haweenka 19/08/2020 Pentagonka mareykanka oo iska fogeeysay eedeyn loo jeediyay 06/05/2020 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 17/01/2017 Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka? 11/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/02/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 24/02/2021 Gabar uu abti u yahay hoggaamiyaha sare ee Iran oo dunida ugu baaqday inay xiriirka u jaraan Iran 29/11/2022 Dhageyso:- inta u dhaxeeysa Bardaale iyo Baydhabo ayaa Lagu Gubay Gaari Jaad Waday. 22/05/2017 DHAGEYSO:-Habeenkii labaad ee tartan aqooneedka bisha ramadaan oo Idaacada Warsan Ka socda 25/04/2020 Dowlada Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la gaartay dowlada Talyaaniga (Sawiro) 12/03/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.