Baydhabo-{WMN}-Waxaa la xaqiijiyay in Saddex askari oo booliis ah lagu dilay gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka xilli ay isku dayayeen in ay soo xiraan nin lagu eedeeyay in uu geystay fal dil ah.
Sidoo kale weerarka ayaa waxaa lagu dhaawacay Afar kale, kaas oo ka dhacay degaanka Allen, magaalo yar oo dhacda qeybta buuraladeyda bariga gobolka Kentucky ayna ku nool yihiin 166 Ruux oo keliya.
Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay Nin lagu Magacaabo Lance Storz , kaas oo ah mid lagu eedeeyay weerarkaas, iyada oo haatan uu wajahayo baaritaano la xiriira weerarka, kaas oo ay hoggaaminayaan khuburo badan.