Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 05/07/2022 Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ka furmo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka ku midoobay Urur Goboleedka IGAD.Shirka ayaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya uu uga qeyb galo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse booqasho uu u aaday dalka Turkiga, waxaana matalaya oo Magaalada Nairobi gaaray Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha, sida Soomaaliya oo amni daro weyn ay kajirto, xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga & Abaaraha, isaga oo sidoo kale inta uu shirka socdo kulamo doceedyo la qaadan doono Madaxdanka qeyb galeysa Shirka.Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa sanad walba shira, iyaga oo markaasi siweyn uga hadla xaaladaha iyo dhibaatooyinka kajira dalalka ku mideysan IGAD, waxaana laga soo saaraa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay Madaxda ka hadleen. Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Xildhibaannadii xasaanada laga qaaday ee Puntland oo go’aan ku gaaray inay diidaan… 05/12/2020 Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay sharciyo muhiim ah 12/01/2023 Dhimasho & dhaawac ka dhashay dagaal Beeleed ka dhacay Gobolka Mudug 02/10/2023 Maamulka Jubbaland oo sharci darro ku tilmaamay ansixintii Golaha Adeegga Garsoorka 04/08/2020 Al-shabaab Oo Looga Baaqey Kordhinta Weerarada Soomaaliya 16/04/2020 Akhriso+Sawiro:- Koonfur Galbeed oo doorashadii ka dhacday ku guulaystay Cabdi Casiis Lafta Gareen 19/12/2018 Dhageyso:-War deg deg ah madaxweyne shariif xasan oo loogu baaqay in is casilow 14/09/2017 Rwanda iyo Uganda oo soo afjaray xiisaddii u dhexeysay 28/01/2022 Abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawday Koonfur Galbeed 09/10/2023 M/Weynaha KGS oo Daah Furey imtixaanka Dugsiyada Sare oo Maanta Baydhabo Ka Bilowdey . 20/05/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.