Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho written by Warsan Radio 06/07/2022 Alle ha u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu dilay Xaashi Cumar oo ahaa muwaadinkii Somaaliyeed ee u xirnaa Dawladda Talyaaniga muddo 19 sano, balse markii la soo daayay dhawaan helay Lacag magdhow oo gaareysa $5 Milyan.Cumar Xaashi ayaa dowladda Talyaaniģa waxaa ay u heeysatay inuu ka dambeeyey dil Magaalada Muqdisho loogu geystay gabar wariyaha ahayd oo lagu Magacaabi jiray llaria Alpi 20-kii Bishii Maarso sanadkii 1994-tii, Hayeeshee markii dambe wax dambi ah lagu waayay.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Xaashi dhaawac culus oo markii hore kasoo gaaray qaraxa uu ugu geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladiisa lagula tacaalayay.Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray waddooyinka soo gala Goobta, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo dad loo qabtay.laamaha Amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Dharkeenleey ayaan weli ka jadlin qaraxa waxaana uu kusoo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay ay ka yaraadeen qaraxyada gawaarida dadka loogu xiro.Xaashi Cumar ayaa dowladda Talgaaniga waxaa ay xabsiga kasiideysay sanadkii 2016-kii kadib markii lagu waayay dambiga ahaa in uu ka dambeeyay dilka gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday, kuwaas oo Muqdisho u yimid baaritaanka eedeymaha sheegayay, in shirkaddo laga leeyahay Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey kooxeedyadii Soomaaliya. Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa next post Kulan u socdo Madaxweyne Xasan Sheekh & dhiggiisa Turkiga You may also like Weerar lagu Burburiyey Diyaarado oo ka dhacay Garoon ku yaal Ruushka 31/08/2023 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 03/08/2022 Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose 03/06/2022 Dhageyso:-Dood ku saabsan arimaha dib u heshiisinta, Fadaraalka iyo si hufan u adeegsiga Baraha bulshada+Sawiro 30/07/2021 MW laftagareen” dib u dejin ayaan u sameyneynaa dadka la soo musaafuriyay” 06/10/2021 Dhageyso:-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga 02/10/2019 Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo 06/11/2022 Dhageyso:-Wareysi hindhooliyaashii ka soo barakacay degaanka moolmaad oo ku dhibaataysan 09/04/2017 Dowladda & Jubbaland oo loolan ugu jira la wareegitaanka Bu’aale 24/02/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/11/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.