Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Dhageyso;- Barnaamijka Ciyaaraha 29/01/2022 Dhageyso: Ardayda dhigata iskuulka guud ee degmada waajid oo waxkubartaan deramo lafidiyay fasalada. 14/03/2020 Wararkii ugu dambeeyay dagaal & duqeymo ka socda Laas-Caanood 20/02/2023 Turkiga oo u yeeray danjiraha Denmark, ka dib markii la gubay kitaabka Qur’aanka ah 28/01/2023 Xaafada Holwadaag iyo Deegaanka Deynuunay oo Caawa habeenkii 8 aad tartan xiiso leh dhexmarey. 01/05/2020 Maxay tahay sababta Taliyaha NISA iyo Taliyaha hoggaanka daba-galka ay u gaareen Dooxa? 26/09/2020 Wasaaradda Waxbarashadda oo shaacisay xilliga la qaadaayo imtixaanka dowladda 21/05/2022 Dagaal mar kale ka bilowday Itoobiya 02/08/2023 Askar Kenyan ah oo lagu dilay weeraro qaraxyo ah oo Al-Shabaab geysteen 14/06/2023 Akhriso+Sawir:-Wasaarada boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs Oo manta la kulantey Maamuliyaasha Jaamacadaha Ku yaala Baydhabo, 21/08/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.