Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay written by Warsan Radio 10/07/2022 Ciidamada ammaanka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa howgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen rag burcad hubeysan ah oo dhac ka geysanayay xaafado katirsan degmadaasi Dayniile.Ragga Burcadda ah ayaa isugu jiray rag ku labisnaa dareeska Ciidamada Millateriga Soomaaliya sidoo kale watay qoryo iyo rag kale oo iyana tooreeyo ku hubeysnaa.Ragga la qabtay oo gaaraya ilaa 5 Dhalinyaro ah ayaa waxaa cabasho ka keenay Shacabka kunool xaafadaha degmada Deeyniile, kuwaas oo dhowr jeer ay dhac u geysteen.War kasoo baxay maamulka degmada Deeyniile ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka raggan lagu qabtay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen cabasho uga timid qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degmada Deeyniile.“Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa kafulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah. Taasna waxay noogu suuragashay wada shaqaynta shacabka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka degmada deeyniile.Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Shacabka kunool Xaafadaha degmada Deeyiile waxaa ay ka caanayeen Rag hubeysan oo xilliyada habeenkii dhac u geeysanaya, kuwaas oo dadka qaarkood dilaya. Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay was last modified: July 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya next post Soomaaliya iyo Serbia oo ka wada hadlayay Arrimo ku saabsan Amniga You may also like Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sii jeeda Dhuusamareeb iyo Wafdi hordhac u ah… 19/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/06/2021 Soomaali badan oo ka qeyb galaysa doorashada Mareykanka 03/11/2020 Deg Deg:-weerar ka dhacay Afgooye 09/02/2022 Sarkaal katirsan Ciidamada Jubbaland oo ku dhintay Daadadka roobka & Xildhibaano ka hadlay 03/12/2023 Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dad Turki Ah Oo Weerar Lagu Dilay 16/02/2021 Golaha Ammaanka oo soo saaray qaraar ku saabsan Soomaaliya fariiina u diray DF iyo dowlad goboleedyada 29/08/2020 Kulan looga hadlay Qorshaha Dagaalka xoreynta deeganada KGS oo qabsoomay 22/10/2023 Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo jadwal doorasho soo saaray (Akhriso) 23/12/2020 Video:-Waxaa manta Soogaaray Dalka Turkiga Wasiirkii Howlaha Guud ee XDFS Eng Sadiiq Cabdullaahi Cabdi 11/10/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.