Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya written by Warsan Radio 10/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa la filayaa in uu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas mudane Isaias Afwerki.labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal yeellan doonaan iyo Arrimo kale oo ku saabsan Geeska Afrika.Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia. Warkan ayaan loo heyn wax caddeyn ah oo xaqiijinaya.Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbanayay xogta la xiriira caruurtooda.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya was last modified: July 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan next post Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay You may also like Guudlaawe “Waxaa naga go’an in Hirshabeelle oo dhan inay ka dhacdo Doorasho Gole deegaan” 02/03/2024 Qarax lagu dilay Maamule Iskuul oo ka dhacay Magaalada Muqdisho 15/03/2022 Dhageyo+Sawiro:-Shaqo joojinta ay sameeyeen wariyayaasha Koofur Galbeed 03/06/2018 Jubbaland oo tababar u furtay ciidan cusub oo ka qeyb qaadan doono sugidda amniga degaannada jubbaland 28/01/2024 Kenya oo sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda ee kala dhexaysa Soomaaliya 14/03/2021 Duqeyn culus oo lagu dilay Amiir ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacday Jilib 23/01/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 13/11/2022 Sawiro;-Cali Guudlaawe oo gudoomiyay shirka amniga Hirshabeelle. 03/09/2022 MD Xasan Sheekh oo sheegay inay jiraan rag ka tirsan AS oo hab qabiil lagu difaaco 06/01/2023 Madaxweynaha Jubbaland oo Magacaabis sameeyay 08/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.