
War kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (Africom) ayaa lagu sheegay in, iyaga oo la kaashanay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ay weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada huwanta ah
Degaan fog oo u dhow degaanka labikuus taariikhdu markii ay aheyd 17 july ee sanadkan 2022.
“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada kajooga Soomaaliya. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.
Sidoo kale Mareykanka ayaansheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ay qaadeen tillaabo wanaagsan oo ah ka hortagga waxyeelada rayidka, isla markaana dadaalkani uu ka duwan yahay weerarrada aan loo meel dayin ee Al-Shabaab si joogto ah ugu qaadaan dadka rayidka ah.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab. si ay uga hortagaan dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka kasoo baxay Mareykanka.
Mareykanka ayaa horay Soomaaliya uga fulin jiray weeraro joogto ah oo ka dhan ah Urutka Al-Shabaab, hayeeshee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump intii uu xilka haayay uu joojiyay, waxaase amray in dib loo bilaabo Madaxweynaha la wareegay talada dalka Mareykanka.
