Ciidamo katirsan kuwa Amniga iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa is rasaaseyn waxaa ay ku dhex-martay degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.
Wararka la helay ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay ka dambeeysay kaib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen askar waday meydka askari katirsan Ciidamada dowladda ee saakay loo qisaasay dilka taliye kuxigeenkii ciidanka NISA ee Galmudug & Walaashiis.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta oo ka dhacday xaafada Kowda luulyo ee degmada Cabudwaaq ay ku dhinteen laba ruux oo labada dhinac ka kala tirsan halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay weerarka ay ka taagan tahay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, isla markaana dadka degaanka ay cabsi soo wajahday.