15 Ruux oo ku dhimatay mudaaharaadyo ka dhan ah Qaramada Midoobay written by Warsan Radio 27/07/2022 Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen laba maalmood oo mudaaharaadyo ka socdeen bariga dalka Congo, kuwaas oo looga soo horjeeday hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi, sida ay masuuliyiintu sheegeen.Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarta nabad-ilaalinta oo u dhashay Morocco iyo laba booliis caalami ah oo u dhashay Hindiya la dilay.Sidoo kale nin booliis ah oo u dhashay Masar ayaa lagu dhaawacay saldhigga Qaramada Midoobay ee Butembo ee gobolka Waqooyiga Kivu markii “Weerarayaal rabshado wata ay hub ku furteen booliiska Congo” oo lagu toogtay shaqaalaha Qaramada Midoobay.Ku xigeenka af-hayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutrerdos uu si adag u cambaareeyay weerarkii lala beegsaday iyo rabshado lagu bartilmaameedsaday dhowr saldhig oo ay leedahay Qaramada Midoobay.Haq, ayaa sheegay in Talaadadii “boqolaal gacan ku dhiiglayaal ah” ay weerareen saldhigyo ku yaalla magaalada Goma iyo qeybo ka mid ah waqooiga Kivu.Haq wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan afar dhacdo lala beegsaday guryaha shaqaalaha howlgalka Qaramada Mdoobay, kuwaas oo hadda loo raray xeryaha Q.M, wuxuuna sheegay in dad shacab ah ayaa sidoo kale isku dayay in ay gudaha u galaan xarunta Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay Talaadadii, laakiin sida uu sheegay ay iska caabbin kala kulmeen ilaalada xaruntaas.Booliska Congo ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof lagu dilay Goma Isniintii, iyo siddeed qof oo rayid ah oo lagu dilay Butembo, waxaana goor sii horreysay, afhayeenka dowladda Congo Patrick Muyaya uu sheegay in ugu yaraan shan qof la dilay, ku dhawaad 50 kalena ay dhaawacmeen Isniintii. 15 Ruux oo ku dhimatay mudaaharaadyo ka dhan ah Qaramada Midoobay was last modified: July 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dil ka dhacay magaalda Burco & faah faahin kasoo baxeysa next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Deg Deg ah WAR-SAXAAFADEED Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay 24/12/2017 Meydad Caawa tuban agagaarka Xarunta Villa Somalia & Gaadiid laga shakisan yahay oo halkaa yaal 23/02/2018 Dhageyso barnaamijka kulanka warsan 09/10/2021 Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyey Ee COVID-19 20/04/2020 Dhageyso:–Barnaamijka Kulanka Warsan 04/02/2021 Dhageyso:-Maalmihii Lasoo Dhaafey Waxaa Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Degaanada Hoostaga Kasocdey Howlgalo Iyo weeraro 09/08/2016 Ra’iisul Wasaare Xamse oo Magacaabay Xubno Wasiiro ah 03/05/2023 Dhageyso:-Kulanka Bulshada Rayidka K/Galbeed ee Hannaanka Dib u eegista Dastuurka oo manta lagu qabtey Baydhabo. 30/03/2018 Dhageyso:-Warka Subax ee RAdio Warsan 14/11/2021 Dhageyso:-Shil Gaari oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo doleedka Baydhabo kadhacay 01/11/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.