Baydhabo-{WMN}- Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta, ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta loo magacaabay Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.
Warka in lagu darayo golaha wasiiradda Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa in dhawaalaba la isla dhax marayey iyadoo su’aalo la iska weydiinayay sida ninkan oo ilaa hadda ah maxbuus u xirnaa dowladda looga dhigay wasiir.
Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa ku qaatey afar sano xabsi guri, isagoo kamid ahaan jirey hoggaamiyeyaasha ugu sareeya ee Alshabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii dib loo doortay wuxuu sheegay in ahmiyad gaar ah uu siinayo amniga, iyo la dagaalanka Alshabaab.
Waxay u muuqataa in xukkumadda xamsa ay u aragtay in Robow uu arrintaasi door weyn ka qaadan kara.
Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa wuxuu kamid ahaa aasaasayaashii ururka Al-Shabaab, oo in ka badan 16 sano ka dagaalamayay gudaha dalka Soomaaliya.
Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta, oo sanadkii 2006-dii ka adkaaday isbaheysigii La Dagaalanka Argagixisada, oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii magaalada Muqdisho, iyo Koonfurta Soomaaliya.
Abuu Mansur Roobow wuxuu kamid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay, kadib markii Maxaakiimtii Islaamiga ee laga saaray magaalada Muqdisho, dhammaadkii sanadkii 2006-dii.
Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isagoo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.
Waxaa kaloo la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii magaalada Asmara ee dalka Eritrea, ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay kamid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo markii dambe dalka madax ka noqday.
Mukhtaar Roobow, ayaa xabsiga loo taxaabay bishii Disembar ee sanadkii 2018-kii, xilli uu waqti kooban ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ka mid ahaa murashaxiinta ugu cadcad.
Xarigiisa ayaa sababey in qalalaase uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad rayid ah, iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Rooboow.
Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya, ayaa Warbaahintta u sheegay i uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.
Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay inuu kasoo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.
Roobow ayaa eedeyntaasi beeniyay sheegayna in loo xiray sababa siyaasadeed. Roobow oo horay u ahaan jiray hoggaamiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Shabaab, ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la imaadey magaalada Baydhabo. Balse kooxda Abuu Mansuur ayaa beeniyay eedeyntaas.
Wuxuu Baydhabo u imaadey inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo xilligaas uu socday ololaheeda.
Xiritaanka Roobow waxay galaafatay wakiilkii gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya xiligaasi, Nicholas Haysom, oo dowladdii Madaweyne Farmaajo ay ku eedeysay inuu faraha la galay arrimaha gudaha, xilli uu ka hadlayay rabshadihii ka dhacay Baydhabo kadib xiritaankiisa. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilliggaas ku amartay Heysom in dalka u si degdeg ah uga baxo.
Kahor intii aan dalka laga ceyrinin, Nicholas Haysom wuxuu soo saaray warqad uu uga hadlayay saameynta ka dhalan karta in ciidamada Nabad Ilaalinta ee Qaradamada Midoobeey ay taageerto ay lug yeeshaan xariggii Roobow.
Eryiddii ergeyga Qaramada Midoobey ee Haysom iyo amniga Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Mukhtar Roobow ku eedeysay inuu dhaqdhaqaaq amni darro ka abuuray gudaha magaalada Baydhabo, taasoo ah eedeyn ay beeniyeen kooxdiisii ololaha doorashada.
Abuu Mansuur ayaa waxaa magaalada Baydhabo laga qabtay bartamihii bishii December ee sanadkii 2018-kii, waxaana xigay rabshado la sheegay inay ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa xilliggaas ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aanan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya.
Sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.