Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like UK oo cambaareysay xukun dil ah oo Somaliland fulisay 17/02/2022 SAWIRO:-Khasaaro ka dhashay dab ka kacay Guri kuyaalla Muqdisho 18/10/2022 Madxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay kulan horudhac u ah Shirka Dhuusamareeb 02/02/2021 Ra’iisal Wasaare Rooble oo ka hadlay howlaha horyaala xukuumadda uu horkacayo 24/10/2020 Dadaalo laga dhex wado dhinacyada siyaasadda ee dalka 24/01/2021 Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dilay Taliyihiisa 02/10/2022 Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray degaanka Biya-cadde 02/10/2023 Human Rights watch oo Dowladda Maraykanka ku eedeysay inay xad gudubyo shacab ka geysatay Soomaliya 17/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/04/2021 Akheiso:-Maxkamada sare ee Soomaaliya oo laashay siddeed kursi oo ka mid ah gollaha shacabka 26/05/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.