![](http://warsanradio.com/wp-content/uploads/2021/05/Qaraxyo_Baydhabo_Somalia-1-450x300-1.jpg)
Wararka naga soo gaaraya degaanka Kalabeyr ee Waooyiga Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax Gaari loo adeegsaday lagu weeraray Saldhig Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku keeyihiin halkaas.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degaanka Kalabeyr & degaannada ku dhow dhow uu ahaa Gaari nooca Dheynada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Saldhig Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Gorgor si KMG ah uga degan yihiin degaanka Kalabeyr ee Waqooyiga Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah askarta ku sugnaa Xerada la weeraray, iyada oo dhammaan la xiray waddooyinka soo gala xerada Ciidamada Gorgor ee degaanla Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan.