Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like Ururrada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay khilaafka ka taagan doorashada 30/11/2020 Rabasho ka bilowday Itoobiya, kadib markii la toogtay fanaan caan ahaa 30/06/2020 Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya 13/09/2022 SAWIRRO:-Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar soo xiray Ciidamo katirsan xoogga dalka 31/07/2022 Ciidamada dowladda oo sameeyay howlgal lagu baadi goobayo Dad dilal geystay 11/04/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/10/2020 Madaxda dowlad Goboleedyada oo shirar Gaar Gaar ah uga Socda Dhuusamareeb (Warbixin) 12/07/2020 Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho 07/06/2020 Somalia: Ku dhowaad 100 qof oo laga helay COVID-19 & dad cusub oo u dhintay 07/06/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 22/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.