Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like Dhageyso: Madaxweyne Lafta Gareen Oo Kahadlay Qorista Afka Maayga. 24/12/2019 Madaxwaynaha JFS oo khudbad ka jeediyay Caleemo saarka RW Itoobiya 04/10/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/06/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 11/06/2021 Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Madaxweynaha Galmudug 18/11/2020 Aqriso+Sawiro:-Ciidanka qeybta 60aad ee xooga dalka Somaaliyeed ayaa dagaal kula galey alshaabab wadada xariirisa Waajid iyo Guufgaduud buurey. 26/07/2023 Safiirkii Mareykanka u fadhiye Ruushka oo is casilay 05/09/2022 Saraakiisha TPLF-ka oo sheegay inay qabsadeen magaalo kale, kuna sii durkayaan koonfurta 13/07/2021 Xildhibaanno ka soo horjeestay go’aankii fadhiyada Baarlamaanka looga mamnuucay 28/03/2021 Trump oo sheegay in Biden oo ku fashilmay hogaaminta Maraykanka 01/03/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.