Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika written by Warsan Radio 06/08/2022 Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunku, inuu si aad u daran u saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.“Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tidhi danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana.Thomas-Greenfield inkasta oo ay tahay ergeyga dawladda Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay, haddana sidoo kale waa xubin ka tirsan Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Joe Biden, waxay safar qaadanaya afar maalmood ay ku joogtaa qaaradda Afrika, iyada oo booqanaysa dalalka Uganda, Ghana, iyo Cabo Verde.Danjire Linda ayaa sheegtay in haatan la filayo in dadka cunto yaridu ku hayso dunida inay kor u dhaafto illaa 230 million oo qof, taasoo ka dhigan in duullaanka Ruushka ee Ukraine inuu tirada dadka saboolka ah ee aan cuntada haysan ku sii kordhiyey illaa 40 milion oo qof oo dheeraada.Danjiraha ayaa intii ay joogtay dalka Ghana waxay ku yaboohday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadanimo ah oo loogu deeqayo qaaradda Afrika, taasoo diiradda lagu saarayo in lagu taageero arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.Intii ay joogtay Accra, waxay ku dhawaaqday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadantinimo oo cusub oo Afrika ah, oo diiradda lagu saarayo qaxootiga iyo barakacayaasha. Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika was last modified: August 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Itoobiya” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab” next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Howlgal Guri Guri ah oo ka billaawday Muqdisho kadib weerarkii Xarunta Gobolka 25/01/2023 Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wakiilka cusub ee QM 07/06/2023 Wareerkii ugu qaasaraha badnaa oo alshaab looga geestey degmada jilib 23/01/2019 Ciidamo uu watay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo la wareegay xarumihii maamulka 16/04/2020 Yuusuf Garaad: Somaliland maxay ku faleysaa midnimo? 16/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/05/2020 Dhageyso:-Baraamij gaar ah oo looga hadlaayo Sida loo kordhin lahaa aqoonta Beeraha iyo Habka fiican ee wax loo beerto 25/09/2020 Shiinaha oo siidaayay Askar iyo Saraakiil u dhashay Hindiya 20/06/2020 Guddiga Difaaca Ee Golaha Shacabka Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga 14/11/2022 Haweenka Jubaland ayaa dalbaday in la ilaaliyo qoondada dumarka 16/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.