Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya written by Warsan Radio 07/08/2022 Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah qarniyo ka hor.“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda adag ee ah in ay ixtiraameyso siyaasadda iyo Madax bannaanida Shiinaha, iyada oo u aragta in Taiwan uu yahay qayb aan ka maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad isugu khilaafsan Arrimaha Taiwan, iyada oo ay jiraan dalal kale oo taageeray Shiinaha, waxaana xusid mudan in Taiwan ay horay aqoonsi & taageero u siisay Somaliland oo isku aqoonsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 01/06/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 07/02/2023 Dhageyso:-Taliyaha qeybta booliiska degmada Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan booliiska gobolka Hiiraan oo gadood ka sameeyay magaalada Beledweyne. 05/03/2017 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 16/11/2021 Puntland oo soo bandhigtay liiska 16 kursi oo lagu dooranayo Boosaaso 16/02/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan 07/05/2020 Ciidanka ATMIS oo Saldhig ay kaga sugnaayeen Shabeellaha Dhexe faarujiyey 19/10/2023 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/08/2022 Madaxweyne Trump oo amray in ciidammada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya 05/12/2020 Akhriso:-Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar oo gaaray heshiis ku kacaya labo boqol oo malyan oo dollar 28/11/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.