Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya written by Warsan Radio 07/08/2022 Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah qarniyo ka hor.“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda adag ee ah in ay ixtiraameyso siyaasadda iyo Madax bannaanida Shiinaha, iyada oo u aragta in Taiwan uu yahay qayb aan ka maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad isugu khilaafsan Arrimaha Taiwan, iyada oo ay jiraan dalal kale oo taageeray Shiinaha, waxaana xusid mudan in Taiwan ay horay aqoonsi & taageero u siisay Somaliland oo isku aqoonsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/06/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 16/03/2022 Maamulka Jubaland oo war ka soo saaray dooda ah “Doorashaaba laga garramayee Gedo maxaa keenay?” 04/09/2020 Abiy Ahmed oo digniin u diray dalal uu sheegay inay faragelin ku hayaan Itoobiya 18/05/2021 Wasiir Faarax Cabduqaadir oo soo saaray Amar ku socda Bahda Waxbarashada 17/08/2023 Golaha Ammaanka oo muddo lix bilood ah ku kordhiyay dhimista ciidanka ATMIS ee Soomaaliya 22/12/2022 Howgallo Culus oo ka bilaaban raba Sh.Hoose iyo Masuuliyiin gaaray furumaha dagaalka 25/03/2024 Puntland oo faah faahisey halka ay mareyso Nabadeynta beelo dagaalamay 21/01/2022 Israa’iil oo baahisay Muuqaalka Falastiiniyiin dharka laga dhigay 11/12/2023 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada warsan 15/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.