Doorashada Madaxtinnimada Kenya oo Maanta bilaabaneysa & Amniga oo la adkeeyay written by Warsan Radio 09/08/2022 Shacabka dalka Kenya ayaa la filayaa in Talaadada Manta ah ay u dareeraan goobaha codbixinta, iyada oo dalkani yahay mid si weyn ugu tiirsan farsamada casriga ah ee loo isticmaalo codaynta, hubinta codbixiyaha iyo weliba soo gudbinta natiijada doorashada madaxtinimada.Guddiga doorashada ee Kenya oo udub dhexaad u ah, qabsoomida doorashooyinka dalkaas, ayaa haatan isku dayaya inay nadiifiyaan sumcaddooda, ka dib markii maxkamadda sare ay baabi’isay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2017, sababo la xiriira wax is-daba marin.Guddiga doorashada ee Kenya ayaa xalay si kumeel gaar ah u hakiyay codeynta doorashada guddoomiyayaasha Ismaamulada Mombasa iyo Kakamega ee dalka Kenya.Guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegay in la qorsheeyey in codbixiyayaashu ay ka codeeyaan in ka badan 46,000 oo goobood oo ku kala yaalla guud ahaan dalkaas. Boya Molu oo ka mid ah guddoomiyayaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa sheegay in guddigoodu ay haatan si dhamaystiran ugu diyaargaroobeen qabashada doorashada.“Dhammaan shaqaalihii waa la tababaray, si sax ah ayaa loo fahamsiiyey isticmaalka farsamada casriga ah, si loo aqoonsado codbixiyayaasha, iyada oo loo marayo hannaanka farsamada casriga ah iyo sharciyadda doorashada … nidaamka doorashada lagu maamulayo waa la diyaariyey, waxaanna haatan u diyaar garownay in iridaha loo furo goobaha codbixinta, marka la gaadho 6-da subaxnimo” ayuu yidhi Boya Molu.Maalinimadii Axaddii, guddiga doroashada ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashada, oo lagu eedeeyey inay la kulmeen musharrax si ay gacan uga geystaan ku shubashada codbixinta goobaha galbeedka dalka Kenya. Doorashada Madaxtinnimada Kenya oo Maanta bilaabaneysa & Amniga oo la adkeeyay was last modified: August 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda You may also like Madaxweyne Joe Biden oo ku dhawaaqay koox ka shaqeyn doonto sidii uu xilka ula wareegi lahaa 11/11/2020 Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo ka digay doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan 4.5 08/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/04/2020 Golaha Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray dib u dhaca ku yimid doorashada dalka 11/10/2021 Gudiga baaritaanka carruurtii magaalada Baydhabo lagu dilay oo natiijadii gudbiyey 20/05/2021 Dowladda Maraykanka oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada u sheegtay in aysan Muqdisho ka tegi karin illaa heshiis la gaaro 21/03/2021 Faah faahin laga bixiyay Howlgal ka billaawday Magaalada Garoowe 13/06/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/09/2019 Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo ay yeesheen Madaxda dalalka IGAD 16/04/2023 Dowladda Soomaaliya oo fasaxday Shaqaalaheeda 24/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.