Baydhabo-{WMN}-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland.
Kulankan ayuu Madaxweynaha D Puntland warbixin ku saabsan Manhajka Puntland kaga dhegaystay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, falanqeyn iyo dib-u-eegis lagu sameeyay qiimaha Buugaagta iyo sidii culayska looga yareyn lahaa Waalidka, waxaa Kulanka laga soo saaray go’aamadan.
1=In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta.
2=Maadaama Maamulku uusan haysan cid ka caawisa shaqadaa.Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.
3=Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $ 2 Dollar oo u dhiganta $ 1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland laga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.
4=Waxaa maanta dib loo fasaxay iibinta Buuggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.
Sidaa darteed Kharashka $5 doollar ee daabacada Buugta waxaa loo qeybiyay labo meelood, $2 oo u dhiganta $1Milaxlion Maamulka Puntland ayaana bixinaya, $3 waxaa lagu iibinaya buugaagta manhajka.
Waa markii ugu horeysay ee Puntland ay yeelato manhajka Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare mudo 24 sano ah.