Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like Aqriso:-Xukunka maxkamadda caalamiga ee kiiska badda 12/10/2021 Dhageyso:-Dood ku saabsan Haweenka haq ma’uleeyihiin in ay helaan fursado lamid ah mida raga ay helaan 19/04/2021 Dhageyso:-Dagaal Culus oo Ka Dhacay Deegaanka Goofguduud ee Gobolka Baay, 30/12/2018 Mareykanka oo sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya in Coronavirus lagu sameeyay sheybaar ku yaalla china 04/05/2020 RW Rooble oo la kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi 24/02/2022 Akhriso:-Indonesia oo markab Deeq ku wareejisay Dowladda Soomaaliya 05/06/2017 Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabaya Guddi ka kooban 5 Xubnood 31/12/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 31/05/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 31/08/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacda Warsan 01/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.