Baydhabo-{WMN}-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku amaanay dadka kunool degaannada hoostaga degmooyinka Maxaas & Matabaan ee Gobolka Hiiraan dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab, iyaga oo garab ka helaya Ciidamada dowladda.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo aan naxariiis laheyn, Isla markaanka ay gubeen guryo ay daganaayeen dad Shacab ah, sidoo kalena ay duugeen Ceelashii biyaha laga cabayay.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in hadii aan laga hortegin Al-Shabaab ay dhibaateyn doonaan dadka kunool degaano badan oo dalka ah, hayeeshee Shacabka looga baahan yahay inay hubka qaataan oo ay la dagaalamaan Al-Shabaab.
Ugu dambeyn Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Al-Shabaab xilligaan aysan laheyn wax awood ah kaliyana hadii lala dagaalamo leyska celin karo, isaga oo ballan qaaday in loo gurman doono dadkii ay guryaha ka gubeen ceelashiina ay ka Aaseen.