Baydhabo-{WMN}-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jabiyeen xubnihii katirsanaa Ururka Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday hotelka Xayaat ee ku yaalla caasimadda, kadib dagaal dhiig badan ku daatay.
Ugu yaraan ku dhawaad 30 qof ayaa ku dhintay gulufkaasi oo socday muddo 30-saacadood ah, inkastoo warbaahinta gudaha ay sheegayso in dhimashadu ay intaas ka badan karto.
Kooxda weerarka geysatay ayaa Maalintii Jimcaha aheyd u adeegsaday walxaha qarxa si ay gudaha ugu galaan Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ka hor inta aysan si buuxda gacanta ugu dhigin.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
“Ciidanka ammaanku hadda waa ay soo afjareen weerarka, ragii hubaysnaana waa ay dhinteen, ma jirto wax rasaas ah oo ka dhacay dhismaha saacadihii la soo dhaafay,” ayuu sarkaal magaciisa qariyay oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP sheegay.
Hoteelka ayaa si xooggan u burburay ka dib markii habeenkii Jimcaha iyo Sabtidii ay ciidamada ammaanku ku duqeeyeen bambaanooyin xooggan, iyadoo muuqaallada laga soo duubay ay muujinayaan holac iyo qiiq ka baxayay saqafka sare ee hoteelka.
Dowladda Soomaaliya aaan weli sirasmi ah faah faahin uga bixin khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka iyo sida uu ku billaawday.