Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like DHAGEYSO: Waribixintii Doorashada Gudoonka BDF Somaliya 9=1-2017 10/01/2017 Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo weerarkii Coosweyne 27/08/2023 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/06/2022 Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Safiirka Imaaraadka? 07/12/2021 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 02/07/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 02/12/2020 Faransiiska oo markale bandaw lagu soo rogay. 01/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/01/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/08/2020 Dhageyso:-Casumad Codsi sharuud ku saabsan adeeg bixin shaqo adag oo Xaalad dejinta gobolka Baay. 08/10/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.