Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like QM Oo Shaacisay Tirada Dadka Falastiiniyiinta Ku Barakacay Weerarada Israa’iil 18/05/2021 Warbixin ka dhan ah Itoobiya oo loo gudbiyay Golaha xuquuqul Insaanka QM 15/12/2021 RW Rooble oo ku dhawaaqay inay la hadlayaan Madaxda tabashada ka qabta Arrimaha doorashooyinka 28/12/2020 Xildhibaano War kasoo saaray Shaqaaqadii ka dhacday Garoonka Boosaaso 12/07/2022 Akhriso:-ciidamada Ahlu Suna iyo Galmudug oo Khilaaf soo dhexgalay 22/07/2019 Wasiir Muqtaar Rooboow oo Maanta xilka la wareegay 10/08/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/02/2019 WARKA FIIDNIMO EE IDAACADA WARSAN 01/03/2020 Dhageyso:- Warka duhur ee Idaacada Warsan 22/04/2022 DEG DEG: Booliska Soomaaliya Oo Bandow Kusoo Rogay Magaalada Muqdisho 14/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.