Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe written by Warsan Radio 24/08/2022 Baydhabo-{WMN}-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Goboledka puntland oo maanta ku sii jeedo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland. Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland. Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Garoowe was last modified: August 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Xukuumadda Soomaliya oo faah faahisay qodobada Shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socodey You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/02/2021 General Xijaar iyo Ambassador Madeira oo ka wadahadlay Amniga Doorashooyinka 23/05/2021 Maxaabiis Taliban oo lasii daayey iyo ciidanka Mareykanka oo la yareynayo 11/08/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/10/2019 Dagaallo dib uga bilowday Waqooyiga Itoobiya 25/01/2022 DHAGEYSO: CASHARKII 26AAD EE TAFSIIRKA QUR’AANKA KARIIMKA EE SH. XASAN GAAB 09/01/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 31/05/2021 Dowladda Somaliya oo War kasoo saartay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe 30/07/2020 Amiirka Urdun Hamzah oo saxiixay warqad cadeyneysa inuu daacad u yahay Boqorka 06/04/2021 Puntland oo soo saartay bayaan ka dhan ah Go’aannada ay soo saareen Ismimada Dhaqanka 02/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.